Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada ayaa maanta siiyay xoriyadooda Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed.
Maxamed iyo Cabdisalaan ayaa lagu eedeeyey saxiix qaliin aysan xaq u lahayn oo lagu sameeyay Marxuum Nimco Muuse Axmed oo aheyd hooyo xaamilo ah, gaaratayna xilligii dhalmada.
Labada Eedeysane oo lahaa Xiriir aan dhaafsiisneyn in ay ahayeen dad asxaab ah, iyaggoo kala Matalay Seyga iyo Walaalka Marxuumad Nimco Muuse Axmed oo Sodon iyo Kowda Bishii seddexaad ee sanadkaan geeriyootay Qaliin loogu sameeyay Hospital ka Digfeer Ee Muqdisho.
Waxa ay Saxiixeen qaliinkeeda iyaggoo kala Matalay Seyga iyo Walaalka Marxuumad Nimco Muuse Axmed oo Sodon iyo Kowda Bishii seddexaad ee sanadkaan geeriyootay Qaliin loogu sameeyay Hospital ka Digfeer Ee Muqdisho.
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday labaatankii Bishaan .
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta siiyay xoriyadooda Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed, Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.