Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa amar ku bixiyay inaan magaalada Muqdisho lagu qaban karin banaanbax aan fasax looga heysan maamulkiisa.
Guddoomiye Muungaab ayaa faray laamaha amniga in talaabo adag oo sharci ah ka qaadaan cidii sameysa banaanbax aan fasax iyo ogolaansho looga heysan maamulka gobolka Banaadir.
“Nimankan mucaaradka ah mudaharaas ay ku baaqi karaan ma jiro, meel ay xukumaana malahan, shacabow ha tagina meel joogaan nimankaas, ciddii dibadbax sameysa waxaan amrayaa ciidamada amniga iney ka qaadaan tallaabo sharciga waafaqsan“ ayuu yiri Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in mucaaradku tagaan saldhig Boolis oo ay shaqo ka socoto, islamarkaana ay ka abuuraan xaalad qalqal gelin amni ah.
“Caasimadda Muqdisho waa meel amni ah, mana oggolaan doonno in siyaasad lagu dhex qariyo falal amni daro ah, wax Mudaaharaad ay ku baaqi karaan Mucaaradka ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri guddoomiye Muungaab.
Hadalka kasoo yeeray Duqa magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya, xili uu xalay shacabka magaalada Muqdisho ugu baaqay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif in maalinta Sabtida isugu soo baxaan dibadbaxyo nabadeed oo ka dhacaya saddex goobood oo Muqdisho ka tirsan.