Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday saldhigga uu ahaa mid sharci-darro ah, islamarkaana ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeeda dowladda, Waxa uu si cad u sheegay in falkaasi uu yahay isku day lagu doonayay in lagu carqaladeeyo amniga iyo kala dambeynta dalka.
Xamse Cabdi Barre wuxuu faray ciidamada amniga in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo ku kacda falal amni darro ah ama isku daya in ay si xoog ah ku beddelaan hay’adaha dowladda.
“Waxaan amray ciidamada amniga in ay si degdeg ah uga hortagaan kooxaha isku daya in ay khalkhal geliyaan amniga guud, cid kasta oo ka dambeeysay weerarkaasi waa in sharciga la horkeenaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka uu marayo xilli xasaasi ah oo siyaasadeed, waxaana loo arkaa mid muujinaya khataraha ka imaan kara kooxaha mucaaradka ah ee hubaysan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
Dowladdu waxay ballan qaaday in ay sii xoojin doonto dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka.