Trump oo si xun u weeraray Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar

0

Xildhibaanadda Soomaalida ah ee Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareykanka iyo Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale u muuqda in ay goradda is geli doonaan, kaddib hadallo kulul oo uu Trump warbaahinta u mariyay saacadihii la soo dhaafay.

Qoraal oo uu soo dhigay bartiisa Truth Social ayaa Mr. Trump waxa uu Ilhaan Cumar ku tilmaamay “gabadh ka soo jeedda dal sabool ah oo colaado ragaadiyeen islamarkaana isku dayaysa in Maraykanka ay barto sida wax loo maamulo”.

“Dalka Ilhaan Cumar ka soo jeeddo ee Soomaaliya, wuxuu la daalaa dhacayaa dawlad-dhexe oo daciif ah, saboolnimo joogto ah, gaajo, argagixiso mar kale soo kacaysa, budhcad-badeed, tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah, musuqmaasuq, iyo rabshado baahsan. Boqolkiiba 70 shacabku waxay ku nool yihiin saboolnimo aad u daran waxayna wajahayaan amni-darro iyo cunto yaraan baahsan.”

Waxa uu ku eedeeyay in Ilhaan Cumar ay guursatay walaalkeed si ay u hesho muwaadinnamada Maraykanka. Waxa kale tilmaamay in ay dalka Maraykanka ay u yeedhinayso waxa ay tahay in la sameeyo iyo sida loo samaysanayo.

wariye Yaxye soofe