Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

10

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise, oo hoggaamiye sare ka ah kooxda Daacish.

Khadra Ciise, oo loo yaqaano Ummu Qacqaac Soomaaliya, xogteedana lagu daabacay bogga waaxda Caddaaladda ee dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in ay tahay muwaadinad Dutch ah oo asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay inay taageertay weerarro ismiidaamin ah iyo dilal lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Intaa waxaa dheer, Khadra Ciise ayaa lagu tuhunsan yahay inay faafisay fikirka xagjirka ah ee kooxda ISIS, islamarkaana ay kaalin ku lahayd qorista xubno cusub oo kooxdaas ku biiray.

“Haddii aad hayso xog muhiim ah oo horseedi karta in la helo Khadra Ciise, waxaad noqon kartaa qof u qalma abaalmarintan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mareykanka.

Sidoo kale, Khadra Ciise waxaa la sheegay inay xannaanayn jirtay carruur la afduubay. Sannadkii 2019, waxay gacanta ku haysay labo ilmo Mareykan ah oo kala ahaa Yusuf iyo Zahra Shikder, kuwaas oo ay u qaadday meel aan la garanayn oo ku taalla Suuriya kaddib geeridii hooyadood oo lagu dilay duqeyn lagu qaaday ISIS.

Lama oga halka ay ku sugan tahay haweenaydan, hase yeeshee Maraykanka ayaa ku daray liiska dadka loogu doonista badan yahay ee madaxooda la duldhigay malaayiin dollar.