Maamulka Somaliland ayaa sheegay in siideynta maxabiista ay ku qabteen dagaalkii magaalada Laascaanood ay mar walba raaci doonaan hab-raacyo islamarkana ay horey qaar ka mid ah ay u siidaayeen.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis oo u waramayay BBC ayaa sheegay in maxaabiista ay dhankooda hayaan ay siideyn doonaan marka ay isku afgartaan dadkii ay tahay inay kala hadlaan.
Dhanka kale Somaliland ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto xaaladda Maxaabiis laga sii daayey Magaalada Laascaanood oo lagu hayo Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed ayaa ugu baaqay Dawladda Soomaaliya in ay Maxaabiista ay hayso ku wareejiso Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha Maxaabiista sida ICRC, iyada oo raacayso shuruucda caalamiga ah.
Mr Yoonis ayaa dhanka kale sheegay in maxaabiistaasi aysan qaar kood ahayn askar balse ay ahaayeen dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah oo laga “afduubay” deegaanada bariga Sool.