rka Maxaa looga hadlay kulanka Guddiga joogtada ee golaha shacabka BFS

6
Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulankiisa todobaadlaha ah, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan sida ay lagama maarmaan u tahay dib u bilaabashada kulamada guud ee Golaha iyo muhiimadda ay leeyihiin maadaamaa shuruuc badan laga sugayo inuu Golaha ka howlgalo.
Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday shuruucda Golaha horutebinta u leh kulamada Golaha, waxaana ugu dambeyn kulanka lagu ajendeeyay kulamada Golaha Shacabka ee todobaadka soo socda.