Al Qaadi ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in Doorashasu noqoto mid ay isla ogol yihiin Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe wixii kasoo harana ayyaan ahayn wax sharci ah.
“Guud ahaan gobolka Gedo wax doorasho ku sheeg ah kama dhaceyso’, waxaan uga digayaa xubnaha Guddiga Doorashada hadii ay isku dayayaan tallaabadaasi inay cawaaqib xun ay la kulmi doonaan” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi.
Guddiga Doorashooyinka ayaa waqti hore sheegay in meelaha ay qorsheenayaan inay Doorasho Qof iyo Cod ah ay ka qabtaan ay ku jirto Gobolka Gedo.
Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaan wali xal ka gaarin muran siyaasadeedka u dhaxeeya oo ka dhashay nooca nidaamka Doorashada Dalka iyo wax kabadelka lagu sameeyay Dastuurka.