Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kormeeray xarunta diiwaangelinta codbixiyaasha ee Degmada Shingaani

6
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir oo ay ka howlgalayaan xubnaha Guddiga Doorashooyinka.

Maalintii labaad ayaa waxaa Degmadaan ka socda diiwaan galinta dadweynaha doonaya in ay qaataan kaararka codbixinta doorashooyinka oo muwaadinka xaq u siinaya in uu doorto ciddii uu doonayo inay hoggaamiso, waxaana wali safaf dheer ugu jira dadweyne doonaya inay kaarka qaataan.

“Waa guul in Shacabka Soomaaliyeed xaquuqdoodii u soo laabatay oo ay codkooda ku dooranayaan cidda ay rabaan, dadka leh doorasho qof iyo cod ah dalkaan kama dhici karto, waxaa beeninaya dadkaan safafka ku jira oo muujiyey in ay diyaar u yihiin in aysan marti ka noqon go’aannadooda masiiriga ah“. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay goobta la isku diiwaangelinayo ee degmada Shingaani, ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay is diiwaan-geliyaan, si ay u helaan xuquuqda ay u leeyihiin in codkooda ay ku doortaan cidda ay doonayaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay dadka Soomaaliyeed u leedahay doorashada tooska ah ee dadweynaha, isagoo xusay in tallaabadani ay meesha ka saareyso nidaamkii hore ee wax lagu soo dooran jiray ee dadbanaa, kaas oo shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dhaafinayey.