Meydka Janaraal Sheegow Axmed Cali ayaa maanta salaada Janaasada lagula tukaday isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho waxaana goob joog ahaa Ehelada Janaraalka iyo dad kale oo ka dhashay Beesha uu kasoo jeedo.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa kamid ahaa dadkii maanta Salaada Janaasada ku tukaday Meydka Sheegow oo salaada kadib magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe kadib codsi ka yimid eheladiisa.
Dadkaan ayaa intii ay meydka Sheegow u galbinaayeen garoonka Aadan Cadde waxa ay ku dhawaaqayeen takbiirta waxaana ay dalbanayeen cadaalad ay u helaan Janaraalka geeriyooday oo maxkamad horey ugu xukuntay 10 sano xabsi.
Waxaa lasoo wariyay rasasaas ay tureen ciidamada dowladda oo dad ay waxyeelo kasoo gaartay kadib rabshado ciidamada iyo taagerayaasha Janaraalka ku dhex maray agagaarka Garoonka.
Dowladda Soomaaliyaa ayaa horey u cadeeysay in Janaraalka uu u geeriyooday markii beerka uu joojiyay shaqadiisa maadama uu in muddo ah ka xanuunsanayay.