Kadib geerida Gen Sheegow Axmed Cali ayaa waxaa isa soo taraya baaqa loo jeediyo dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay baaritaan ku sameeyso sababta uu u dhintay Marxuumka.
Sidoo kale madaxdii hore ee dowladda, xildhibaano, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gen Sheegow.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal ka soo saaray geerida Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay in cabashada qoyska Sheegow uu tixgeliyo, isla markaana la sameeyo baaritaan deg deg ah, si loo ogaado duruufaha sababay geerida Jeneraal Sheegow.
Xidhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa qoraal ugu hadlayay geerida Gen Sheegow waxaa uu ku yiri “ Inaalilahi wa inaa ileyhi raajucuun alaah ha u naxariisto Gen. Sheegow Ahmed Ali , geerida Gen. Sheegow mugdi badan baa ku dahaaran, xabsigiiisuna wuxuu ahaa cadaalad daro, Su’aashu waxay tahay Gen. Sheegow matii ilaahay baa utimid mise waa la laahooreeyay.” Sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale ehelada qaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay tuhmayaan caddaaalad dara ah, islamarkaana ay waxaa ay dalbadeen in baaris lagu sameeyo geerida Gen Sheegow.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada warfaafinta ee Mamaulka Hirshabelle Cabdishakuur Shaashaa oo ah ehelada Gen Sheegow ayaa dhankiisa qoraal ku sheegay “ Aniga oo ku hadlaya magaca ehelada Jeneraal Sheegow Axmed Cali, waxaan codsanayaa in baaritaan caafimaad oo heer caalami ah lagu sameeyo xaaladda dhimashada Jeneraalka ka hor inta aan la aasin., Waxaan si degdeg ah u codsanaynaa in hay’adaha Qaramada Midoobey ay naga caawiyaan baaritaankan caafimaad ee ku saabsan dhimashada Jeneraalka. “