MW Jubbaland Axmed Madoobe ayaa gaaray dalka Kenya, isagoo halkaas kulamo kula leh masuuliyiinta Beesha Caalamka oo ay kawada hadlayaan arrimaha Soomaaliya.
Sidaas oo kale is aragyo siyaasadeed ayaa jira oo dhinacyo dhexmaraya, xili ay Villa Somalia xubno qarsoodi ah u dirtay Nairobi, halkaas oo ay dadaal galisay in safarka Axmed Madoobe labaajiyo, balse aysan hirgalin.
Dawladda Federaalka ayaa cunaqabateyn bahalnimo kuhaysa shacabka Jubbaland, gaar ahaana Jubbada Hoose iyo Gedo, iyadoo sheegaysa in ay Axmed Madobe cunaqabateysay balse ay taasi waxba kama jiraan noqotay.











