Al-Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday saldhigyo ciidamadu ay ku leeyihiin degmada Masjid Cali Guduud oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah.
Wararka ayaa sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen rasaasta culus iyo tan fudud, taasoo keentay khasaare labada dhinac ah oo ay ku jiraan dhimasho iyo dhaawac.
Warar hore ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay fashiliyeen weerarka hore ee Al-Shabaab, hase yeeshee, ilaa hadda rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha Masjid Cali Guduud.
Ciidamo dheeri ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Haramcad ayaa dhowaan la geeyay degmada Masjid Cali Guduud si looga hortago dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee halkaas ka socda.
Sidoo kale, ilo-wareedyo ka tirsan magaalada Cadale, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in gargaarka ciidanka dowladda lagu soo diray si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Masjid Cali Guduud.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo warbaahinta ku hadasha afka kooxdaasi ay ku sheegeen in ay la wareegeen degmada Masjid Cali Guduud.