Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, marxuum Cabdullaahi Jaamac Barre (Cascasey) oo ku geeriyooda dalka UK.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku sifeeyey marxuumka muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo adeeggay xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay intii ay jirtay dowladdii dhexe, isaga oo kamid ahaa dhallinyaradii Soomaaliyeed ee SYL.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Jaamac Barre (Cascasey) oo kamid ahaa dhallinyaradii SYL, xilal kala duwanna dalka u soo qabtay intii ay jirtay dowladdii dhexe, isaga oo burburkii kaddib ahaa nabaddoon iyo ganacsade qeyb weyn ka qaatay nabadda iyo horumarka dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.