Dagaalameyaal ka tirsan ururka Xisbullah ayaa gudaha u galay Suuriya , iyagoo saddex askari oo ka tirsan ciidanka Suuriya ku dilay weerar ay ka fuliyeen dulleedka magaalada Xumus, sida ay werisay Al Jazeera oo xiganaysa wasaaradda difaaca Suuriya.
Waa weerarkii u horreyay oo ay Xisbullah ka gaysanayso gudaha Suuriya , tan iyo markii xukunka laga tuuray nidaamka Bashaar Al-assad — wuxuu weerarka ku soo aadday xilli dawladda Suuriya ay ku guuleysatay dadaalladii xal u helida khilaafaadka gudaha , kaddib markii nidaamka Dimishiq uu heshiisyo la gaaray maamullada gobollada ee ay degganyihiin bulshada kala duwan.
Ma cadda haddii weerarkan uu bilow u yahay iskudayo khalkhal gelin ah oo laga soo abaabulayo dibadda , kaddib markii dawladda Suuriya ay ka hortagtay abaabulkii gudaha ee weerarrada lagu waxyeellaynayay xasilloonida!