Inta la xaqiijiyay, dagaalka waxaa ku dhintay in ka badan shan askari oo katirsan ciidamada Puntland, kuwaas oo uu ku jiro wiil uu dhalay taliyaha ciidanka difaaca Puntland, Gen. Aadan Cabdi Xaashi. Dhanka Daacish, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay dagaalkaas ku dhinteen in ka badan 25 dagaalame.
Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ayaa gacan ka geystay duqeymo lagu beegsaday fariisimaha Daacish.
Dagaalkaan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu cuslaa ee ka dhaca Calmismaad waayahaan dambe, wuxuuna yimid kadib markii ciidamada Puntland ay qaadeen howlgal ballaaran oo ay ku doonayeen inay ku gaaraan Togga Miiraale. Aaggaas ayaa la rumeysan yahay inuu yahay goob ay isku uruursadeen dagaalyahanada Daacish, kadib markii laga awood roonaaday dagaallo hore.
Togga Miiraale ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay saldhig ay ku sugan yihiin horjoogayaasha Daacish oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib, kuwaas oo ay la joogaan xaasaskooda iyo caruurtooda.
Ilo amni ayaa u sheegay HOL in Togga Miiraale uu ahaa fariisin uu ku sugnaa Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah ku xigeenka horjoogaha Daacish ee Soomaaliya. Faahiye ayaa ah maskaxda ka dambeysa weerarrada ka dhanka ah ganacsatada diida lacagaha uu ururkaasi soo rogo.
Faahiye ayaa kamid ahaa horjoogayaashii ka badbaaday duqayntii Mareykanku uu bishii Febraayo ee sanadkan ka geystay buuraha Calmiskaad.