Xiisadda u dhexeeysa dowladaha Kenya iyo Suudaan oo cirka isku sii shareeraysa

6

Xiisada u dhaxeysa madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dowladda Suudaan ee uu hogaamiyo Jeneraal Abdel Fattah al-Burhaan ayaa cirka isku sii shareeraysa, waxayna labada dal saacidihii la soo dhaafay hawada isku mariyeen eedeymo culus.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa  diiday hadal is difaac ah oo kaga yimid Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Musalia Mudavadi, kaas oo marti-gelinta fallaagada RSF ku tilmaamay mid ay Xukuumadda Nairobi ku doonaysay inay uga qeyb-qaadato xal u helidda colaadaha Suudaan.

Dowladda Suudaan oo ka jawaabeysa arrintaas ayaa ku adkaysatay in aysan jirin wax cudurdaar ah oo ku aaddan ficillada Kenya iyo marti-gelinta Madaxweyne William Ruto ee fallaagada RSF, oo lagu eedeeyay xasuuq iyo qalaase ay ka geysteen gudaha dalkaas.

“Tallaabadan mas’uuliyad darrada ah laguma sababeyn karo iyadoo la tixraacayo martigelintii hore ee wada-hadalladii Machakos, maadaama kuwaasu ay u dhexeeyeen dowladda Suudaan iyo dhaqdhaqaaqii Xoreynta koonfurta Suudaan ee (SPLM) ay garwadeen ka ahayd IGAD, sidoo kalena haystay kafaalo-qaad caalami ah ,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha Suudaan.

Suudaan ayaa sheegtay in xiisaddani intii aysan bannaanka u soo bixin ay isku dayday in wada hadal dublumaasiyadeed arrinta lagu xalliyo, balse madaxweynaha Kenya oo marti-gelinta RSF dano dhaqaale ka lihi uu arrintaas dhagaha ka furaystay.

Kenya ayaa horay u taageeri jirtay jamhaddii xoreynta dadka Koonfurta Suudaan(SPLM), taas oo dagaal tobanaan sano socday la gashay dowladda Suudaan, ka hor intii aan sanadkii 2011-kii arrinta lagu dhammayn kala goynta dalkii ugu baaxadda weynaa afrika, iyo madax-bannaanida koonfurta Suudaan.