Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo culus oo ka dhacay buuraha Calmiskaad gobolka Bari , kaasi oo markale lala beegsaday xubnaha daacish ee ku dhuumaaleysanaya gobolkaasi.
Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Shebaab oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda oo haatan cadaadis xooggan kala kulmaya Puntland.
Qoraal ka soo baxay Taliska Difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay in ka badan 11 xubnood oo ka tirsan dagaallamayaasha Daacish kuwaasi oo isku urursanayay god u dhaw degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad.
Taliska Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa bayaanka uu soo saaray intaasi ku daray in hawlgalka ay fulisay dowladda Imaaraatka Carabta”Duqeyn waxaa lagu dilay in ka badan 11 xubnood oo ka tirsan Argagixisada Daacish, kuwaasi oo isku urursanayay God u dhow Sheebaab – Calmiskaad. Waxaa duqeynta fuliyey saaxiibada Puntland ee Imaaraadka.”
Duqeyntan ayaa ku soo aadaysa xili dhawaan duqeyn lala beegsaday kooxda Daacish lagu dilay illaa 100 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Daacish, sidoo kalena looga gubay gaadiid dagaal iyo saanad.
Diyaaradaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa ka qeyb qaadanaya howlgal ka socda Buuraleyda Cali-Miskaad ee gobolka Bari.