*HANTI DHOWRKA OO MUSUQMAASUQ IYO IS-HORTAAG BAARIS KUSOO EEDEEYAY MAXKAMADDA SARE IYO MAXKAMADAHA DALKA*
*Intii u Janaayo 2016 ilaa Oktoobar 2017 waxa Maxkamadaha qaarkood ka dhacay ku tagri fal Maaliyadeed, maamul xumo, u hoggaansanaan la’aan Sharci iyo dayacaad (War-saxaafadeed jawaab ah)*
Xafiiska Hantidhowrka Guud markii ay u caddaatay in guddoomiyaha Maxkamadda sare uu ku kacay is-hortaagga Baarista sanadlaha ee Hantidhowrka waxa uu 11 February, 2025 ku waregeliyey Madaxda saree e dowladda sida Madaxweynaha JFS, Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, iyo Ra’isalwasaaraha iyada oo Warqaddaas ogeysiin lagu siiyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Maaliyadda,
Garyaqaanka Guud iyo Xisaabiyaha Guud taas oo lagu faahfaahiyey Baarista qorsheysnayd.
Sababaha Baaristaas ee ku jiray Qiimeynta khataraha ee Xafiisku sameeyey iyo is-hortaagga dhacay oo uu hormuud u yahay guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaa ka mida”
– In Baarista Maxkamadaha qaarkood muddadii u dhaxaysay 01.01 2016- 21.10.2017 ay muujisay ku tagriifal Maaliyadeed, maamul xumo, u hoggaansanaan la’aan Sharci iyo dayacaad sida ku cad warbixinta Xafiiska Hantidhowrka Guud, Summadeedu tahay XHG/HG/0202/2017, taas oo ku talo bixisay in Maamulka Maxkamadaha lagu sameeyo dib u eegis.