Kenya oo laba jibaartay qiimaha Khaadka ay u iib keento Soomaaliya

5
 Dowladda Kenya ayaa shaacisay qiimo kordhin ay ku sameysay Khaadka Miiraa oo ay u soo dhoofiso Soomaaliya, xili dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay aanan loo iib keenin gudaha Soomaaliya.

Kenya ayaa qiimo kordhin laba jibaar ah ka dhigtay Khaadka ay u iib keento Soomaaliya, iyadoo kiiladii ka dhigtay lacag dhan 1,300 oo shillinka dalka Kanya ah oo u dhiganta $10 doolar, halka markii hore Kiilada ay aheyd 700 oo shillinka dalkaas ah una dhiganta $5.43 doolar.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha dalka Kenya Mutahi Kagwe oo kulan la qaatay  Ganacsatada Khaadka iyo Guddiga qaabaynta qiimaha Khaadka Miiraa ayaa isla meel dhiga in qiimahaan cusub lagu jaangooyo Khaadka Kenya ay u iib geyso Soomaaliya.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Beeraha dalka Kenya ayaa lagu sheegay in go’aankaan lagu jaangooyay qiimaha cusub ee lagu kordhiyay Khaadka inuu yahay mid  dhaqan galaya isla maanta.

“Qiimayaashan waxay dhaqan-galayaan isla markiiba, taas oo ka dhigan in qiimaha cusub uu dhaqan galayo laga bilaabo maanta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Talabaadaan Kenya ay qiimo kordhinta ugu sameysay Khaadka ay u iib geyso Soomaaliya ayaysan wali wax war ah kasoo saarin ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ka keenta Khaadka Miiraa oo ay culeys ku noqon doonto go’aankaan ay ku dhawaaqday Kenya.

Ugu dambeyntii dowladda Kenya ayaa faa’ido aad u badan ku qabta Khaadkaan Miiraaga ah ee ka baxa beeraha dalkeeda oo ay u soo dhoofiso Soomaaliya, waxaana dhaqaalaha kasoo gala Soomaaliya uu qeyb ka noqday inuu sare u kaco miisaaniyada Xukuumadda Nairobi.