Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ayaa sheegay inay cabasho ka soo gaartay qaar ka mid ah Ururrada Siyaasadda, kadib markii la carqaladeeyay kulan ay lahaayeen.
War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga ayaan lagu sheegin cidda carqaladda sameystay, balse waxay sheegeen inay xiriir la sameynayaan Hay’adaha ay quseyso si baaritaan loo sameeyo loona gaaro natiijo.
Guddiga ayaa sheegay in ururada Siyaasada ay xor u yihiin in ay qabsadaan kulamada ay igu arrinsanayaan doorashooyinka.
Warka guddiga doorashooyinka ayaa imaanaya xili maalmo ka hor ciidamo ka tirsan Nabad sugida ay is hortaag ku sameeyeen kulan ay Muqdisho ku lahaayeen xisbiyada mucaaradka.
Kulankaasi ayaa waxaa ku sugnaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo siyaasi Cabdullaahi, kuwaasi xiligaasi sheegay in laga hor istaagay kulamada ay qabsan lahaayeen.
Xisbiyada Mucaaradka ayaa dhowr jeer sheegay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in ay ka hortagto kulamada ay qabsanayaan siyaasiyiinta ka soo horjeeda hoggaanka dowladda ee Madaxweyne Xasan Sheekh.