Fahad Yaasiin oo Ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya

12

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa weli waxaa ka taagan khilaafyo iyo isqabqabsi dhanka saamileyda siyaasadeed, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay isku hayaan arrimaha masiiriga ee dalka sida doorashooyinka, wax ka bedelka dastuurka, iyo hanaanka dowladeed oo la isla ogolyahay, hase yeeshee aysan jirin isdhexgal dhab ah.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa mar kale si toos ah ugu hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo dhambaalkiisa kooban ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan dalka ku hayn awood dhab ah oo uu ku sameeyo isbeddel, isla markaana uu waqti ku luminayo qorsheyn.

Fahad Yaasiin ayaa yiri, “Madaxweyne Xasan, dalka awood kuma qabsan, kumana haysto, umana harin waqti uu awood ku diyaarsado. Marka, su’aashu waxay tahay: dalka xagee buu u wadaa?”

Fahad, oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan Soomaaliya, ayaa ka digay in dowladda Federaalka ay dhawr iyo dhowr jeer qaadi weyday hannaan siyaasadeed oo aan heshiis guud lagu gaarin, taasoo keentay in xaaladda siyaasadeed ay sii xumaato.

Fahad Yaasiin wuxuu kaloo sheegay in uu ka baxay garabkii wada shaqeynta ee Madaxweyne hore, Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo si weyn uga qayb qaatay go’aamadii dowladdii hore ee Farmaajo.

Dhanka kale, waxaa soo ifbaxay in Fahad Yaasiin uu leeyahay isku soo dhowaansho la xiriira Madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin muuqaalka wada shaqeyn ama heshiis siyaasadeed oo rasmi ah ayaa weli ka maqan.