Taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay dagaalkii shalay ka dhacay Waaxda Neera degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Afhayeenka ciidamada Booliska Cabdi Fatax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay ka hortageen shaqsiyaad rabay in ay dhistaan dhul ay hakisay maxkamada ciidamada, islamarkaana laamaha ammaanka ay isku dayeen in ay joojiyeen, kadibna rasaas lagu furay.
Falkan ayaa waxaa uu sheegay in loo soo qabtay 3 qof oo la sheegay in ay ahaayeen dadka la dagaalamay ciidamada, waxaa uuna sheegay Afhayeenka in maleeshiyaadka ay tiradooda aheyd 7 xubnood, halka 4 qof ay baxsadeen.
Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay in ciidamada ammaanka ay ku raadjoogaan shaqsiyaadka soo abaabulay dagaalka, islamarkaana maxkamada la horkeeni doono.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in booliska ay fulinayaan amarka ka soo baxaya maxkamadaha, islamarkaana aan la aqbali doonin in la iska dhisto dhul ay go’aan ka gaareen maxkamadaha dalka.
Afhayeenka ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, balse arrintan khasaaraha waxaa uu dusha u saariyay in ay masuuliyadaasi ay qaadi doonaan raggii ka dambeeyay dagaalka.