Madaxweyne Cirro ayaa xusay in Somaliland ay tahay dimuqraadi, isla markaana ay rajaynayso in nidaamkeeda maamul darteed ay caalamka abaal-marin kaga hesho. Wuxuu si gaar ah u carrabka ku dhuftay in uu aqoonsi ka filayo dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska.
“Maaddaama oo aanu nahay dowlad dimuqraadi ah, waxaan beesha caalamka ka rajaynaynaa abaal-marin. Dhamaan waddamada caalamka, sida Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaanu rajaynaynaa inay na aqoonsadaan, balse hadda waxaan si gaar ah u rajaynaynaa in Maraykanku noqdo waddanka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay xidhiidhada Somaliland la leedahay dalalka jaarka ah iyo horumarka Dekedda Berbera. Wuxuu sheegay in dekedda la casriyeeyay, isla markaana suuqa ugu weyn ee ay leedahay uu yahay Itoobiya. Sidaas darteed, inta aanu sannadkani dhammaanin, ayuu sheegay inuu saxeexi doono heshiis weyn oo dhex mara Somaliland iyo Itoobiya.
Maamulaha shirkadda DP World, oo 450 milyan oo dollar ku kharash-garaysay dhismaha dekedda, madaarka iyo waddada Berbera, ayaa isna sheegay in dekeddu noqon doonto mid ku xidhan suuqa Itoobiya, isla markaana Berbera ay tahay mid ka mid ah goobaha ugu istiraatiijisan ganacsiga Itoobiya.
Somaliland ayaa sannadkii hore Itoobiya la gaadhay is afgarad ay Itoobiya kaga kiraynayso saldhig badeed, halka la sheegay in Itoobiyana ay aqoonsandoonto Somaliland, lakiin is afgaradkaas sannad kadib looma badalin heshiis rasmi ah, dhinaca kale waxa jira wadahadalo u socda Itoobiya iyo Soomaaliya, oo la filayo in Itoobiya ay marin badeed kaga hesho Soomaaliya.