Suudaan oo la filayo inay yeelato dowlad Cusub

4

dawlad cusub ayaa la filayaa in laga dhiso Suudaan ah dib markii militarigu ay si buuxda u wada qabsadaan magaala madaxda Khartoum, ilo-wareedyo milateri ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

madaxa ciidamada Suudaan General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad ku meelgaar ah oo ka shaqayn doonta soo afjaridda kooxda RSF iyo Xasillinta dalka, sida ay sheegeen ilaha militari ee ay soo xigatay Reuters.

Ciidamada Suudaan oo muddo dheer dagaal kula jira fallaagada RSF ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dib u qabsaday inta badan degmooyinka caasimadda Khartoum, iyagoo go’doomiyay qasriga madaxtooyada oo ay gacanta ku hayso maleeshiyada RSF.

Dagaalka Suudaan uu qarxay bishii Abriil ee sanadkii 2023 ayaa sababay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca in ka badan 12 milyan oo qof, halka burbur baahsan iyo xaalado bini’aadantinimo oo aad u xuni ay colaadda ka dhasheen.