Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan muhiim ah kula yeeshay dhigiisa Turkiga, Alparslan Bayraktar. Kulankan ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta iskaashiga labada dal ee ku saabsan sahminta shidaalka iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Wasiir Daahir Shire ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga dadaallada ay ku bixisay horumarinta sahminta shidaalka ee biyaha Soomaaliya. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadalqaaday guul muhiim ah oo la gaaray, taas oo ah in markabka sahminta ee Oruç Reis [Oraag Ra’iis] uu dhammeystiray 50% ka mid ah sahamintiisa shidaalka badda Soomaaliya, taasoo qayb muhiim ah ka ah dadaalka lagu xoojinayo dhaqaalaha dalka.
Intii uu socday kulanka, labada wasiir ayaa ka wada hadley istaraatiijiyada mustaqbalka ee sahminta shidaalka iyo inay isla qaateen go’aan ku saabsan iskaashi cusub oo dhinaca macdanta ah.
“Waxaan sii wadi doonaa dadaallada aan ku hormarinayno iskaashiga tamarta iyo macdanta ee labada dal, si aan uga faa’iidaysanno xiriirka dhow ee Turkiga iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Turkiga.
Wasiir Daahir Shire ayaa dhankiisa muujiyay in iskaashigan uu sare u qaadi doono horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, isagoo carabka ku adkeeyay in tallaabooyinkani ay qayb ka yihiin qorshaha ballaaran ee dalka Soomaaliya ku doonayo inuu ku horumariyo kheyraadkiisa dabiiciga ah.
Markabka sahminta ee Oruc Reis ee Turkiga ayaa soo gaaray xeebaha Soomaaliya bishii October ee sanadkii tagey, isagoo bilaabay hawlgal todoba bilood ah oo lagu baarayo suurtogalnimada saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha dalka.
Xogta shidaal baarista ee laga saameeyay saddex goobood oo badda ah, ayaa lagu soo bandhigi doonaa magaalada Ankara si loo ogaado meelaha laga soo saari karo shidaalka mustaqbalka.