Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar C/rashiid ayaa ka hadlay heshiiska dowladda Soomaaliya la gashay Itoobiya, kaasoo la xiriira isticmaalka badda.
Wuxuu sheegay in heshiiska lagu deg degay, islamarkaana ay dowladda u gashay si indho la’aan ah, isagoo ku dooday in Itoobiya mar hadii maal-gashi ku sameysay badda, cidna aan damanad qaadi karin inay arrimo militeri u isticmaasho.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay in ay jiraan dekado badan oo hadda ku yaalla Soomaaliya, oo Itoobiya wax kala soo degi karto, balse arinta ay ka wayn tahay deked oo uu jiraan arrimo kale, oo loo hoos-geliyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Uma baahna kuwa cusub, sida Saylac, waxaa jira dekada dhisan oo shaqeeya, kuwaasoo Itoobiya ay isticmaali karto hadii damaceeda yahay dekad ay wax kala soo degto,’ ayuu yiri Cumar C/rashiid.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan Addis Ababa booqday, isagoo lasoo galay Abiy Axmed heshiis cusub oo xiisada labada dal lagu soo afjaray, islamarkaana lagu soo celinayo xiriirka diblomaasi oo mudo ku dhaw sanad meesha ka maqnaa.