Dowladda Federaalka oo ku baaqday in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka Ceerigaabo

9
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshisiinta XFS ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto colaadda labaddii maalmood ee ugu dambeeyey beelaha walaalaha ah ku dhexmartay magaallada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda sababtay khasaaraha lixaadka leh ee iskugu jira dhimasho, dhawac iyo barakac baahsan.

Sidoo kale Wasaaraddu waxay ugu baaqeyday Maamullada, Odayaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka iyo guud ahaan waxgaradka deegaankaas inay u istaagaan joojinta colaadda, kana shaqeeyaan Xasilloonida iyo sidii nabad waarta loo heli lahaa.
Dagaalka oo Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Ceerigaabo ayaa u dhexeeyay Somaliland iyo SSC Khaatumo.