Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen Taliyihii hoggaaminayay ciidamada ee la geeyay Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
War Qoraal ah oo lagu baahiyay Jubland Tv ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada dadaraawiishta oo howlgal sameeyay ay soo qabteen Xasan Ciraaqi oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeay ciidamada dowladda ku daabushay aagga Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada DFS ee ka tagay Raaskambooni ka dib dagaal Culus oo halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada Jublabd ayaa qaarkood ka gudbay xadka Kenya halkaasna iska dhiibay.











