War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob ayaa laga soo saaray shirka Madasha Bani’aadannimo ee Soomaaliya ee lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee xurunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda SoDMA ayaa waxaa ka qayb-galay wakiilo ka ka socday Dowladda Federaalka, Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobalka Banaadir, Gobolka Galgaduud, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
Inta uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee ka jira gudaha Soomaaliya, maadaama ay jiraan daruufo adag oo nololeed.