Israa’iiloo duqaymo ku bilowday afaafka koonfureed ee Beirut

6

Dalka Lubnaan, laba xaafadood oo ku yaalla magaalada Beirut ayaa saaka ku soo toosay digniino baraha bulshada lagu baahiyay oo kaga imanayay ciidamada Israa’iil kuwaas ku amaraya in ay ka guuraan aagga, taas oo muujinaysa inay dib u bilaabmeen duqaymaha cirka ee caasimadda maalintii labaad.

Sabtidii, 12 duqaymood ayaa lagu dhuftay xaafadaha koonfureed ee magaalada, in ka badan 70 duqaymood ayaa lagu garaacay bartilmaameedyo kala duwan oo gudaha Lubnaan ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan soddon qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee halkaas.

Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa sheegay in ay burburiyeen goobo lagu kaydiyo hubka iyo gantaallada ee Xisbullah.

Ku dhawaad ​​200 oo madfac ayaa maamulka Israa’iil sheegeen in dhanka Lubnaan ay ka soo dhaceen 24-kii saac ee la soo dhaafay. Ururka Xisbullah ayaa ka digay in dagaalka ay kula jiraan Israa’iil uu hadda galayo wax ay ugu yeereen waji cusub.