Madaxweyne Xasan Sheikh oo lagu eedeeyay inuu ku qasbayo dowlad goboleedyada muddo kordhin

8
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan culus oo ay ku eedeeyeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu qorsheynayo muddo-kordhin aan sharci ahayn oo ku aaddan madaxda dowlad-goboleedyada.

Saddexdan hoggaamiye ayaa sheegay in qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay in dowlad-goboleedyada muddo-xileedkoodu dhammaaday lagu qasbo inay qaataan muddo- kordhin, taasi oo ay ku tilmaameen inay tahay tallaabo sharci-darro ah oo keeni karta xasillooni darro siyaasadeed.

Waxay sheegeen ujeeddada uu ka leeyahay madaxweynuhu muddo kordhinta dowlad goboleedyada in ay tahay, in isaganu uu helo muddo kordhin marka uu dhamaado muddo xileedkiisa.

Waxay sidoo kale madaxda dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle, ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan qorshayaasha madaxweyne Xasan Sheekh, kuna dhiirrigeliyeen inay iska kaashadaan ilaalinta midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqaynaa in madaxda dowlad-goboleedyadu ay ka degaan tareenka jidka qardajeexa ah ee aan la ogayn halka uu ku demi doono. Madaxweynuhu waa inuu ka digtoonaadaa in uu cabsi geliyo madaxda dowlad-goboleedyada, iyadoo loo adeegsanayo miisaaniyadda iyo cadaadis siyaasadeed si uu ugu furo xilligan xasaasiga ah muddo-kordhin sharci-darro ah,” ayay sii raaciyeen.

Hadalka siyaasiyiintan ayaa kusoo aaday, kaddib markii uu fashil ku dhamaaday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho.