Masar oo ka sheegtay shirka Qaramada Midoobay in Itoobiya ay waddo ficillo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya

5
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty oo khudbad ka jeedinayay kalfadhiga 79-aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay walaaca Masar ay ka qabto dhibaatada biyaha wabiga Niil, wuxuuna cambaareeyay ficilada hal dhinac oo halis ku ah qaranimada Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay arrinta webiga Niil, Abdelatty wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aragtida Masar ee xallinta mashaakilaadka biyuhu ay salka ku hayso ka faa’iidaysiga dhammaan dhinacyada iyo hubinta in si caddaalad ah loo isticmaalo iyada oo aan waxyeello loo geysan waddamada hoose.

“Aragtida Masar ee xallinta dhibaatada biyaha waxay ku salays tahay in laga faa’iidaysto dhammaan dhinacyada iyo in si caddaalad ah loo isticmaalo iyada oo aan waxyeello loo geysan waddamada hoose,” ayuu yidhi Abdelatty. “Itoobiya waxay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah waxayna u maareysay arrinta biyaha si kali ah.”

Waxa uu sidoo kale cambaareeyay dhammaan ficillada hal dhinac ee halista ku ah midnimada Soomaaliya iyo madax-bannaanida dhulkeeda oo dhan.

Abdelatty ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarrada Israa’iil ay ku hayso Lubnaan, wuxuuna ku baaqay xabbad joojin degdeg ah. Waxa uu dhaleeceeyay ficillada Israa’iil ee Gaza iyo Daanta Galbeed, isaga oo ku dooday in ay bannaanka soo dhigeen daciifnimada iyo go’aan la’aanta beesha caalamka.

Abdelatty ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka Qaramada Midoobay si wax looga qabto caqabadaha caalamiga ah.