Howsha Dhaqaale Uruurinta ee Dib u dhiska Buundada Baardheere oo si habsami leh ugu Socota degmada Baardheere.

5

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa 19 kii beri ee la soo dhaafey waxaa ka soconaya Qorsho Balaaran oo Dhaqaale looga uruurinayo Dhamaan Dadka degan Xaafadaha ku yaala degmada iyo Goobaha Ganacsiga,Howshan ayaa degmada waxaa ka hergeliyey Gudigga Dhaqale Uruurinta Dib u dhiska Buundooyinka Gobolka Gedo.

Howsha Dhaqaale uruurinta ee Dib u dhiska Buundada Baardheere ayaa waxaa loo xil saarey 24 Qof oo loo soo xuley Bulshada Deegaanka,kuwaasi oo ka howl galey Xaafadaha degmada ee ku kala yaala Labada Daan ee Magaalada,iyadoo Qoyskastaana laga qaadayo lacag dhan ilaa $50.

Sheekh Cabdulaahi Maxamed Cismaan(Sh.Cabdulaahi Fanax)oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dhaqaale Uruurinta Dib u dhiska Buundooyinka Gobolka Gedo ayaa Bogaadiyey Qaabka ay u socoto Dhaqaale Uruurinta ee Dib u dhiska Buundooyinka dhamaan Xaafadaha Baardheere iyo Goobaha Ganacsiga.

Sidoo kale Qaar ka mid ah Shaqaalaha loo xilsaarey Howsha dhaqaale uruurinta ayaa faah faahin waxay ka bixiyeen sida ay u socoto Qaadista Lacagaha laga qaadayo Qoys kasataba,waxayna Rajo wanaagsan ay ka muujiyeen Dadka degan Xaafadaha in ay diyaar u yahiin Bixinta Lacagaha lagu dhisayo Buundada.