Ciidanka ATMIS oo dayactir ku billaabay Garoonka Diyaaradaha Baardheere

10

Guutada 46-aad ee Madaafiicda kana tirsan Ciidamada ENDF, ATMIS ayaa dayactir ku sameynaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubaland.

Hindisayaasha mashaaricda Saamaynta Degdegga ah leh ayaa dayactir iyo dheereyn 400 oo meter ah ku sameynayo dhabaha diyaaradaha, si loo hagaajiyo badqabka, garoonkana uu u awoodo in ay diyaarado waa weyn ka soo degaan..

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baardheere Jaamac Cali Hire ayaa uga mahad celiyay Ciidamada ATMIS taageeradoodo, halka Taliyaha Guutada G/S. Mola Shumet uu dib uxaqiijiyey in ay ka go’an tahay ilaalinta Bulshada. ATMIS iyo qaybaheeda.