Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in isfahanka Itoobiya uu muhiim u yahay horumarka gobolka

4

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in isfahanka ay xukuumadiisu la gaadhay Itoobiya, uu horseedi doono horumar dhaqaale iyo iskaashi oo gobolka ka dhaca.

Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Al Carabiya, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in ay mideeyaan danahooda muhiim ka ah.

“Waxa aanu saxeexnay isfahan, kaasi oo aanu uga gol leenahay in aanu gaadhno danaha qarankayaga, oo aanu aqoonsi helno, Itoobiya-na waxa u daran in ay badda gaadho, waxa aanu midaynay danahayaga, waxa aananu diyaar u nahay in aanu helno aqoonsi” ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu sheegay in uu aaminsanyahay in heshiiska labada dhinac uu muhiim u yahay horumarka, iskaashiga ganacsiga iyo degenaanshaha gobolka Geeska Afrika, waxa uu intaa ku daray in dhawaan ay Itoobiya iska arki doonaan saxeexida heshiiska kama dabays ta ah.

Mar la waydiiyay in uu hubo in Itoobiya ay aqoonsandoonto Somaliland, ayuu sheegay in uu xaadir ahaa markii isfahanka la saxeexayay, iyo wada xaajoodyadii ka horeeyayba, sidaas darteedna ay hubaal tahay aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa dhawaan dibulumaasiyiinta shisheeye ee Somaliland ku sugan ku wargaliyay in la dhamaystirayo heshiiska, oo dhawaan la saxeexi doono inkasta oo aanu sheegin taariikh rasmi ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa dhankiisa sheegay in dowladiisu ay gacan saar la yeelan doonto jabhadaha Itoobiya, hadii ay Itoobiya ka noqon waydo heshiiska Somaliland. Itoobiya ayaa hadalka Fiqi ku tilmaantay “Khayaali”.