Maxamed Cabdi Waare: Soomaaliya wax dan ah uguma jirto kala jeclaanshaha Itoobiya iyo Masar

4

Ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD ahna madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay Soomaaliy in aanay wax dan ah ugu jirin inay soo kala dhoweysato Itoobiya iyo Masar.

Maxamed Cabdi Waare waxa uu sheegay hardanka u dhaxeeya labada dal inuu khatar weyn ku yahay xasiloonida geeska Afrika iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

“Itoobiya iyo Masar nin qaraabo nala ah ma jiro. 30 sanaa halkaan joognay noo may imaan. Maxaa hadda isku keenay. Maxaan qiil ugu raadinaynaa oo aan u dhahaynaa, kani waa deris, kani waa muslim. Xaggeebay jireen kuwa muslimka ah  soddonkii sano ee aan islaynaynay,” ayuu yiri Waare.

Ku xigeenka Ergayga guud ee IGAD ayaa sheegay Soomaalidu in looga baahan yahay inay ka tashadaan aayahooda, si dalka loo badbaadiyo.

Wuxuu sheegay haddii aan la baraarugin in dhulka Soomaaliyeed uu ka bixidoono gacmaha dadkiisa.

Hadalkaan ayuu Waare ka jeediyay magaalada Garowe oo uu uga qeyb galayo kulan ku saabsan, marxaladaha nabadeed iyo amni ee geeska Afrika.