Wasiirka Warfaafinta Puntland: Boosaaso ma noqon karto meel ay labo dowladood ka taliyaan

9

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in aysan magaalada Boosaaso ka jiri karin labo dowladdood oo isbarbar socda.

Hadalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii maalmo ka hor ciidanka PSF (Puntland Security Force) ay magaalada Boosaaso ku soo rogeen xaalad amni, iyagoo joojiyay duulimaadyadii kasoo dagi jiray garoonka diyaaradaha Boosaaso, dadkana ku amray inay ka aagga garoonka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri, “Yaan loo gafin dowladnimada. Puntland iyadaa mandate u haysta inay maamusho Boosaaso iyo guud ahaan Puntland. Ciddii wax tabanayso hasoo marto dariiqada sharciga ah.”

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aaday xilli uu garoonka diyaaradaha Boosaaso xiran yahay maalintii afaraad, kadib markii ciidanka PSF ay digniin u jeediyeen duulimaadyada kasoo dega garoonka Boosaaso.

PSF ayaa ka carootay markii sida ay sheegeen garoonka Boosaaso laga celiyay askar dhaawac ah oo ka tirsan ciidankooda, kuwaas oo ay doonayeen in loo qaado magaalada Muqdisho si loogusoo daweeyo.

PSF, oo ah ciidan taageero ka hela Maraykanka, ayaa waxaa aasaasay oo maamula qoyska Ilmo Cismaan Diyaano.

Aabahood Cismaan Diyaano wuxuu ahaa taliyihii hore ee ciidanka PSF. Ciidankan waxay is hayaan ciidanka mariiniska Puntland ee loo yaqaano PMPF, oo ah ciidan uu maamulo sarkaal qoys hoosaad la ah madaxweyne Deni.