Cumar Cabdirashiid oo war culus kasoo saaray xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

7

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo qoraal kooban soo saaray ayaa si adag uga hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Cumar Cbdirashiid oo sidoo kale ka hadlayay xiisadda taagan ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay tahay cadow soo jireen ah, isaga oo intaasi kusii daray in aysan dhicin karin in lagasoo dhaweeyo deegaan Soomaaliyeed.

“Xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika ayaa ka dhalatay baadigoobka xooggan ee ay Itoobiya ku doonayso inay marin badeed ugu hesho ciidamadeeda cusub ee Badda. Haddaba, waa wax laga xishoodo in qof Soomaali ah uu difaaco damaca Itoobiya ee dhul-kororsiga ah.” ayuu yiri Sharmaarke.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay weli halkeeda tahay xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu horraantii sanadkan Abiy Axmed la galay Somaliland.