Diyaarada Kenya Airways oo loo Diiday in ay ka duusho garoonka Aadan Cadde

2

Hay’adda Duulista  Rayidka Soomaaliya iyo maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka hor istaagay inay garoonka Muqdisho ka duusho diyaaradda Kenya Airways, sababo la xiriira inay sharraxaad ka bixiso tacadi ay kula kacday muwaadiniin Soomaali ah oo muddo ka badan 24 saac iyagoon wax xaquuq ah helin lagu hayay garoonka diyaaradaha Nairobi, kaddib markii ay Kenya Airways baajisay duulimaadkeedii maalin ka hor ee Muqdisho imaan lahayd .

Sidoo kale muwaadiniin Soomaali ah oo ka yimid dalal kala duwan, ay saacado badan  ku  xayirmeen garoonka , taas oo baalmarsan shuruucda duulimaadka.

In ka badan 15 qof oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay baraha bulshada ku soo gudbiyay xaaladda tacadiga ah ee ay ku wajahayaan garoonka diyaaradaha Nairobi, iyadoo shirkadda Kenya Airways laga rabo inay magdhow siiso muwaadiniinta ay tacadiga kula kacday, sida ay  Risaala u xaqiijiyeen saraakiisha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.