Shirkadda Favori LLC oo ku eedeysay hay’adda duulista Soomaaliya inay fara galin ku hayso shaqadeeda

10

Shirkadda Favori oo maamusha adeegyada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa walaac ka muujisay in hay’adda duulista Soomaaliya ay fara galin ku hayso xuquuqdeeda gaarka ah oo ay ku ururiso dhammaan kharashaadka socdaalka ee garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ka dib markii ay dhawaanahan soo baxeen warar ku saabsan soo rogidda khidmadaha duulimaadka.

Favori waxay sheegtay inay haysato xuquuq iyo mudnaan gaar ah si ay u bixiso adeegyada garoonka, oo ay ku jiraan ururinta khidmadaha hagidda duulimaadyada.

Shirkadda ayaa ku eedeysay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), inay shirkad lagu magacaabo NAV-PASS, u magacawday si ay ula wareegto ururinta khidmadaha duulimaadyada.

Shirkadda Favori LLC waxay sheegtay in ay si adag u diiddan tahay ku lug lahaanshaha cid kasta oo saddexaad oo ku lug leh ururinta khidmadaha socdaalka, waxayna hoosta ka xariiqday in shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala garoonka caalamiga ah ee Aden Cabdulle ay qandaraas ahaan waajib ku tahay inay ku hagaajiyaan dhammaan lacagaha la siinayo Favori LLC.

“Lacagaha la siiyo cid kasta oo aan ahayn Favori LLC waxaa loo aqoonsan doonaa mid aan sax ahayn oo waxay keeni kartaa dhibaatooyin xagga shaqada ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Favori.

Favori LLC waxay sheegtay in ay weli u heellan tahay bixinta adeegyada garoonka diyaaradaha iyo hubinta u hoggaansanaanta heshiisyada sharciga ah ee jira.