DF oo xirtay agaasimayaasha 4 isbitaal iyo culeys ka taagan canshuurta iibka

7

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay xirtay maamullada 4 isbitaal oo waa wayn kuna yaalla magaalada Muqdisho, sababo la xiriira canshuurta iibka ee ay dhowaan soo rogtay.

Afarta isbitaal ee maamulladooda la xiray ayaa kala aha Shaafi, Kalkaal, Somali Sudanese, iyo Muqdisho Hospital, kuwaas oo dhowaan soo saaray warsaxaafadeedyo ay uga hadlaan canshuurta iibka iyo in laga dhaafo goobaha dadweynaha, gaar ahaan caafimaadka.

Dhankiisa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadla arrintan, wuxuuna sheegay in saddex maalin ay xirnaayeen agaasimeyaasha isbitaallada, kadibna dadaal dheer oo la galay lasoo daayay.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegay in isbitaalladii dowladda ee lacagta la’aanta ahaa, gaar ahaan Banaadir iyo Martiini laga dhigay lacag, sida uu ku sheegay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.