Madaxweyne Biixi oo sheegay in ay jiraan dad raba in ay khalkhal galiyaan doorashooyinka Somaliland

6

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in amaandarada Ceerigaabo looga danleeyahay in la khal khal galiyo doorashooyinka soo socda.

Waxa uu sheegay in amaan darada maalmahan ka jirtay gobolka Sanaag ay ka danbeeyaan dad doonaya in la carqaladeeyo doorashooyinka Somaliland, oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin wadajirka Somaliland iyo hoggaaminta suuban.

“Maanta qulquladaha Ceerigaabo waxa lagu raadsanayaa sawmaaha in doorashadeena la khalkhaliyo, kii la doortaaba saw Somaliland maaha, saw mid walba lagama rabo in uu Somaliland horumariyo, taas ayaa la carqaladaynaya, oo maanta loo dan leeyahay, inaguna maanta waxaynu u wada jeednaa waa doorasho” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Xaalada magaalada Ceerigaabo ayaa maanta dagan kadib middo laba cisho ah oo ay ka jireen xaalado amaan daro, oo sababay dhimashada ilaa 7 qof, dadkaasi oo ku dhintay Ceerigaabo iyo degmada Goof ee koonfurta magaalada.

Waxa xalay magaalada ka dhaqangalay bandaw ay soo rogeen ciidamada amaanku oo bilaabmay shalay galabtii, kaasi oo lagu xadiday dhaqdhaqaaqa baabuurta shacabka wixii ka danbeeya 4:00 galabnimo.

Waxa jira warar aan wali la xaqiijin oo sheegaya in dhinacyada ay gacantu kala gaadhay ay go’aansadeen in ay heshiis rasmi ah ka gaadhaan xasarada, oo uu wadahadal u socdo.