Wasiirada Wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Dowlad Goboleedka Jubaland oo lagu soo dhaweeyey degmada Baardheere.

14

Waxaa Maanta degmada Baardheere ee Gobolka Gedo si heer sare ah lagu soo dhaweeyey,Cadar Ismaaciil Juraati oo ah Wasiirada Wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Soo dhaweynta Wasiir Cadar ayaa waxaa ka qeyb galey Boqolaal dad weyne oo isugu jira Maamulka Gobolka Gedo,kan degmada Baardheere,Ururka Haweenka degmada,Ururka Dhalin yarada ,Saraakiisha Laamaha Amaanka degmada iyo Wax Garad kale.

Kulan soo dhaweyn oo Wasiirada iyo Xubnaha Wafdigeeda loogu Qabtey Xarunta Bulshada Baardheere ayaa waxaa ka Hadley,Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada Baardheere,Qureesho Aden Cumar,G/ku xigeenka Maamulka degmada Saleban Bedel,Gudoomiyaha degmada Baardheere,Aden Dhegacade iyo Sh.Maxamed Xusen Alqaadi oo ah Gdoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo,Dhamaan tood ayaa waxay sheegeen in ay ku faraxsan yahiin imaanshaha degmada Baardheere,Wasiirad Cadar Juuraati.

Ugu dambeen Wasiirad Cadar Ismaaciil Juraati ayaa uga Mahad celisey Qeybaha kale Duwan ee Bulshada Baardheere sida muga leh ee ay ugu soo dhaweeyeen degmada Baardheere,iyada iyo Xubnaha wafdigeeda.

Waxayna sheegtay Socdalkeedu inuu la xariiro U kuurgelida Xaalada nolosha degmada iyo Haweenka,waxayna tilmaantey mudada ay joogto inay kulamo kale duwan ay la qaadan doonto Qeybaha kale duwan ee Bulshada.