Waxaa Shalay galinkii dambe magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir u dhaxeeyay Wasiiradda Maaliyadda heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo gobolka banaadir, kaasoo looga hadlay qodobo muhiim.
Shirkaan ayaa u socday Wasiiradda Maaliyadda mudo sadax cesho ah, waxaana diirada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin horumarinta hanaanka Maaliyadda iyo wadashaqaynta guud ee Wasiiradda Maaliyada Fedaraalka, heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa dhinacyada si wadajir ah uga soo saareen warmurtiyeed ka kooban Shan qodob oo ay saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda maamul goboleedyada dalka, hayeshe Puntland qeyb kama aheyn shirkaan.
Hoos ka akhriso qodobada Warmurtiyeedka oo faahfaahsan.
1) ๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐ฌ๐๐ง๐ข๐ฒ๐๐๐๐ (๐๐ฎ๐๐ ๐๐ญ ๐๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ): Si waafaqsan heshiiskii Wasiirrada ee shirkii 18aad, ee ku saabsanaa wadaagga deeqaha, waxa lagu heshiiyey in lagu saleeyo wadaagga kabka miisaaniyadda Sanad Maaliyadeedka 2024 si waafaqsan tilmaamaha heshiiska. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in lagu dabaqayo dajinta Miisaaniyadda Sannadka 2025.
2) ๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐ข๐๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฆ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ง๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ (๐๐๐): Kulanku wuxuu ka dhegeystay Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Fadaraaleynta Maaliyadda (IGFFTC) soo jeedintii Guddiga fadhigiisii 16aad, warbixintaas oo lagu faah-faahiyey Aqoonsiga Canshuur bixiyaha iyo qaabka uu noqon karo. Madasha waxa ay isku raacday soo jeedintii Guddiga Farsamada, taas oo ah in hirgelinta Lambarka Aqoonsiga Canshuur bixiyahu (LAC) noqdo 12 god, (12 digit) oo muujinaya nooca canshuur bixiyaha (shakhsi/ganacsi/heyโad), heerka dowladda, lambar taxane ah ee nidaamka danabeysan ee la adeegsanayoย iyo lambar lagu hubinayo.
3)๐๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ช๐๐ก๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ฅ๐จ๐จ ๐๐ข๐๐ข๐ง๐๐ฒ๐จ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฌ๐: Warbixin iyo soo jeedin Mashruuca RCRF oo xiganaya soo jeedintii Guddiga Farsamada ee shirkii Kigali, kulanku wuxuu bogaadiyey ansixiyeyna dhammaan shuruudaha iyo habraacyada la xariira maamulidda deeqaha Dowladaha Hoose ee la soo bandhigay. Kulanku wuxuu isku raacay in la xoojiyo tayada shaqo ee Dowladaha Hoose si loo xaqiijiyo isticmaalka lacagta sida saxda ah, iyadoo laga kaalmeeynayo habsami u socodka shaqada mashruuca iyo bixinta adeegyada bulshada.
4)๐๐จ๐ซ๐ฆ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐๐๐๐๐ค๐ข๐ข ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐๐๐ข๐ข ๐๐๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ๐ญ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐ก๐:ย Kulanka waxaa looga warbixiyey halka uu marayo Qormo Siyaasadeedkii Heshiisyadii Masโuuliyadaha Dakhliga iyo Asteynta Awoodaha Adeegga heerarka dowladaha, kaas oo Madasha Wadatashiga Qaranku (NCC) hore goโaamo uga gaaray December 2022 iyo Maarso 2023.ย Falanqeyn dheer kaddib, kulanku wuxuu bogaadiyey dadaalka Guddiga Farasamada, ayadoo sidoo kalena kulanku bogaadiyey soo jeedintii Guddiga Farsamada ee ahayd in Maamul kasta gudihiisa kasoo baaraandegaan, soona gudbiyaan aragtidooda bisha October ee Sanadka 2024.
5) ๐๐ฎ๐ฌ๐ญ๐๐ช๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐ ๐๐๐๐ -๐๐๐:
Kulanku wuxuu ka dhagaystay soo jeedin ku aadan hannaanka cusub ee mashruuca RCRF-III u saacidi doono DXDF sanadka soo socda, taas oo isbedel ku imaan doono habraacyadii hore. Dowlad Goboleedyadu waxay qoondada mushaar bixinta u wareejin doonaan qaabka shuruudda ku xiran ee loo yaqaano PBC. Waxaa la isku waafaqay in shir arinkaan u gaar ah la qabto si loo falanqeeyo caqabadaha ku imaan kara fulinta hawshan.