Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo ku baaqay in loo Gurmado Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

16

Madaxweynihii hore ee Soomaaliy Shariif Sheekh Axmed ayaa war  uu soo saaray ku baaqay in loo Gurmado  Dadkii waxyeelada uu ka soo gaaray Qaraxyadii xalay ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdi Casiis.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheekh ayaa u qornaa sidaan:

Waxaan baaq u dirayaa guud ahaan umadda soomaaliyeed in ey gurmad gaarsiyaan dadka ee waxyeelada ka soo gaartay musiibadii xalay ka dhacday Xeebta Liido.

Waxaan baaq u dirayaa Ganacsatada Soomaaliyeed in garab istaag deg deg ah u fidiyaan isbitaaladda, Waxaan ku boorinayaa xarumaha cafimaadka in ey dadka dhaawacyada ah loo dhimriyo lana tixgaliyo daruufaha ee bulshadeen ku kala noolyihiin.

Waxaan ku boorinayaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ey si deg deg ah u garaan xarumaha cafimaadka si qeyb uga noqdaan badbaadinta walaalahood oo ey dhiigooda u shubaan dadka dhaawaca ah.

Ugu danbeen waxaan ku bogaadinayaa Howlwadeenada caafimaad oo ilaa xalay ku howlanaa la tacaalida Dhaawacyada.

Muwaadin Bixi dhiigaada

oo ku badbaadi qof kale oo walaalkaaga ah.