“Arrintii qaranka Somaliland guusha iyo sharafka usoo kordhisay waxa barbar socday dagaal dhinacwalba ah oo uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud” ayuu yidhi Wasiir Buuni.
Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xasan aanay ka ahayn bad difaacis, lakiin uu rabo in isaga laga amar qaato, oo uu heshiisyada saxeexo, isla markaana uu ka xunyahay uun in Somaliland ay heshiis gasho.
Waxa uu sheegay in kadib dagaalka balaadhan ee dubulumaasiyadeed ee ay dowlada Soomaaliya qaaday anay uga soo bixin natiijo buurani, isla markaana shirkii ugu danbeeyay ee IGAD ay kasoo baxeen wax dowlada Soomaaliya anay filaynin.
“Dowladuhu waxay kaga jawaabeen is ixtiraam qarankan Somaliland la ixtiraamayo, arrimihiisa aan la farogalinayn, xukuumad ahaana, waanu uga mahadnaqaynaa” ayuu yidhi Wasiir Buuni.
Dowlada Soomaaliya ayaa ganafka ku dhufatay is afgaradka ay gaadheen Itoobiya iyo Somaliland, taasi oo xiisad ka dhex abuurtay Itoobiya iyo Soomaaliya.