Axmed Karaash: Madaxweyne Deni waa kaligii talis caadaystay inuu isku koobo talada

36

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa eedeeyay madaxweyne Deni inuu caadeystay wuxuu ugu yeeray keligii talisnimo iyo inuu awooda maamulka isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah.

Axmed Karaash oo war kooban kasoo saaray xafiiskiisa, ayaa sheegay tallaabooyinka madaxweyne Deni uu qaadayo inay ku dhammaan doonaan fashil.

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho, sidaasi waxaa yiri Axmed Karaash.

Axmed Karaash ayaa si toos ah ula saftay guddoonka baarlamaanka iyo xubno kamid ah mucaaradka, kuwaas aaminsan in la difaaco muddo kororsiga baarlamaanka, kaasoo ay shalay laashay maxkamadda dastuurka.

Kulankii maanta ee baarlamaanka Puntland ayaa u muuqda mid kusoo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo xildhibaanadu isku mari waayeen jawaab laga bixinayo go’aanka maxkmadda dastuuriga oo laashay muddo kororsigoodii.