Madaxweyne Deni oo maxkamadda sare ka sugaya kala dirista baarlamaanka Puntland

28

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa maxkamadda sare u jeediyay codsi ku aaddan in lakala diro baarlamaanka Puntland, kuwaas oo maalmo ka hor muddo kororsi sannad ah sameystay.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo la hadlay Warbaahinta, ayaa u sheegay in madaxweyne Deni uu maxkamadda sare ka sugayo kala dirista baarlamaanka, si uu madaxweynuhu usoo magacaabo, guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka.

Madaxweyne Deni ayaa doonaya inuu hortago kulan uu baarlamaanku doonayo inuu yeesho 14ka bishaan, iyagoo qorsheynaya inay iska dhex doortaan guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Deni iyo guddoonka baarlamaanka oo markii hore ku wada socday siyaasad is -oggol ah, ayaa kala fogaaday markii uu Deni ka tanaasulay qorshihiisii ahaa doorasho qof iyo cod ah, uuna ka horyimid go’aankii isimada SSC- Khaatumo oo ahaa in sanad loo kordhiyo baarlamaanka hadda jira.

Dhinaca kale, waxaa socda wada hadalo lagu doonayo in baarlamaanka lagu qanciyo inay soo saaraan warqadda lifaaqa doorashada.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Senator Cabdiraaxmaan Faroole, ayaa taageeray go’aanka madaxweyne Deni.

Musharraxiinta madaxweynaha oo ay ku jiraan saaxiibadii hore ee madaxweyne Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash, ayaa gadaal ka riixaya mowqifka baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan cusub ayaa keeni kara in doorashada waqtigeeda uu dib uga dhaco, haddii aan xal degdeg ah laga gaarin muranka haatan taagan.