(SAWIRRO)Hay’adda HIRDA oo degmada Buurdhuubo gaarsiisey Doon.

40

Hay’adda Samafalka HIRDA oo dadaal balaaran ugu jirta sidii loo caawin lahaa dadka Waxyeelada ay ka soo gaartey Fatahaadii uu sameeyey webiga Jubba ayaa Maanta Waxay Doon weyn oo Cusub,islamarkaana halkii marba Qaadi karta ilaa 40 Ruux iyo Raashin gaaraya ilaa Hal Tone ah waxay geysay degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Doontan oo xilligan muhiim u ah dadka deegaanka ayaa HIRDA waxay ka heshay Hay’adda  UNICEF oo HIRDA ka caawisa Arimaha waxbarashada, caafimaadka iyo WASH ka,tani ayaa qeyb ka ah dadaalka loogu gurmanayo dadka go,doonsan ee Waxyeelada ay ka soo gaartey Fatahaada iyo Daadadka.

HIRDA ayaa dadaal ugu jirta sidii Doomo kale ay u geyn lahayd degmada Baardheere,dadka ku nool Buurdhuubo iyo Baardheere ayaa dhibaatada ka dhalatay Fatahaadaha waxaa u sii Dheer Buundooyinkii labadaasi magaalo oo gebi,ahaanba ku go,ay.